Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

-


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go’aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii ugu horeysay ee madaxweyne Mareykan ah uu saxiixo in ciidamadiis la geeyo Soomaaliya. Go’aanka Biden ayaa daba socda go’aankii hore Trump ee ciidanka Mareykanka uu Soomaaliya kaga saaray sanad ka hor.

DHAMMAADKIISA: Markii ugu horeysay ciidanka Mareykanka waxa ay Soomaaliya soo farageliyeen intii u dhaxeysay 1992-kii ilaa 1993-kii, howgal ay ugu magac dareen “dadaalada nabad ilaalinta iyo bani’aadinimada”.

Faragelintaasi waxaa ka dhashay dagaalkii Muqdisho oo dhacay Oktoobar 1993-kii, kolkaasi oo 18 ka mid ah waxa loogu yeero “Raanjariska Mareykanka” lagu laayey dagaalkii waddooyinka, waxaana meydkooda lagu jiiday jidadka Muqdisho, taasi oo keentay in ciidanka Mareykanka uu si dhammeystiran uga baxo Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey qaraxyadii daaraha mataanaha, Mareykanka ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya isaga huwan bustaha “la dagaalanka argigixisada”, waxaana tan iyo wagaasi ciidanka Mareykanka ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen howlgallo gaar ah iyo duqeymo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Waxaa la rumeysan yahay in ciidamo tiradooda aan la aqoon oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya gaar ahaan xerada baliddoogle, iyo xerada Xalane halkaasi oo ay u adeegsadaan saldhigyo ay ka weeraraan Al-shabaab.

Hay’adda Amnesty International waxa ay sanadkii 2020-ka soo saartay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Soomaaliya ma jirto cid Mareykanka kula xisaabtanto duqeymaha ay rayidka ku dhintaan”.

Amnesty waxa ay soo saartay khariidada meelaha ugu badan ee duqeymaha Maraykanka ay shacabka ku wax yeeleeyeen.

Locator map showing confirmed cases of US air strikes that have killed and injured civilians in Somalia from April 2017 to March 2020.

Sanadkii 2021-kii waxa hoos u dhacay duqeymihii Mareykanka ka fulin jiray Soomaaliya, ka dib markii Trump uu amar ka bixiyey in 700 askari oo Mareykan ah laga saaro Soomaaliya, hase ahaate tan iyo waqtigaasi duqeymo xadidan ayey ciidanka Mareykanka ka fuliyeem gudaha dalka iyaga oo adeegsanaya saldhigyo gobolka ah sida Jabuuti iyo Kenya.

Soo Laabashada cusub ee Mareykan waxa ay imaaneysaa xilli dalka uu galay isbadal, ka dib markii Xasan Shiikh Maxamuud ay baarlamaanka u doorteen Madaxweynaha cusub ee afarta sana ee soo socoto.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...