Cilmi Ahaan Ma Run Baa “Nin Meel U Cadahay Meeli Ka Madow”

-

Maalin maalaha ka mid ah nin la oran jiray Obi Wan Kenobi ayaa kula taliyey saaxibkiis Luke Skywalker “waligaa ha aaminin indhahaada, maxaa yeelay indhahaada wey ku qiyaani karaan”


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Daraasad hore oo la sameeyey sanadkii 1954-kii, ayaa koox arday ah waxaa la daawad siiyey ciyaar kubadda cagta ah, markii ciyaarta dhamaatay muranka iyo dood dhaxdooda ayey waxa ay ardaydu sheegeen in ay arkeen qaladaad uu garsooraha arkin oo midba uu u ku arkay kooxda kale.

Badanaa maxaan u aragnaa wixii aan rabno in aan aragno? daraasad laga sameeyey dabeecadda ban’aadamka waxa la soo saaray labo eexasho uu qofka sameeyo mar uu rabo in uu wax arko:

Eexasho aaminadda ku dhisan (perceptual bias) : waa marka aaminaadda ay saameyn xoog leh ku leedahay fikirkeena, taasi oo iyadana abuureysa eexda kale ee ah

Eexda Jawaabta celinta (response bias): waana marka maskaxdeena ay ka warmeyso waxa ay aragto iyada oo warka u tarjumeysa sidii aan u jacleen in ay wax u dhacaan.

Labadan Nin

Labadan in oo fadhigoodu ahaa Isreal kuna takhasusay cilmiga nafta kuwaasi lagu kala magacaabo Daniel Kahneman iyo Amos Tversky ayaa todobomaatameeyadii cilmiga nafta ku soo kordhiyey daahiradda caanka noqotay ee “cognitive biases”.

Qof kasta oo naga mid ah waxa uu leeyahay mid ka mid ah caalamadahan lagu karto marka qofka uu go’aankiisu ku dhisan yahay eexashada maskaxeed ee loo yaqaan “cognitive biases”, waxaana calaamadaha ka mid ah”

  • Qofka waxa uu aqrinayaa oo uu daneynayaa oo kaliya wararka taageeraya aragtidiisa.
  • waxa uu eedda saarayaa dad kale mara aysan arimuhu u dhicin sidii uu doonaayey
  • Dadka kale guulahooda waxa uu u tiirinayaa “nasiibka” laakiin guulahiisa waxa uu ka dhigayaa mid ku timid karti.
  • Waxa uu u heystaa dadka oo dhan in ay u fikirayaan sidiisa oo kale
  • mowduuc ayuu ka baranayaa wax yar waxa uuna iska heystaa in uu cilmiga oo dhan daadiyey.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...