Riyada waa (dhacdo gaar ah ama walax gaar ah oo uu qof rajeeyo si uu u helo) ,Riyooyinka waxa ay kuu sheegaan wax aad ogtahay oo kaliya, riyada waxa ay ku dareensiisaa sida loo isticmaalo waxaas aad ogtahay , arinkaasi oo xiriir la leh goritaankaada shakhsi ahaaneed.
Xaqiiqonews.com-Saynis.
Sanado badan ka hor baaritaan ay sameysay jaamacad lagu magacaabo Johns Hopkins University, ayaa waxa ay ku ogaatay in Dumarka uurka leh ee ka labalabeeya nooca jinsi ee uu noqon doono uur ku jirkooda-ay rumowdo wixii ay aamineen 70%, blase kuwa ku riyooday jinsi gaar ah waxa ay heleen riyadooda 100%.
Dadka Barta Cilmi nafsiga waxa ay rumeysanyihiin in Riyada aysan aheyn “Feyrus dibadda” Ka yimaada, oo haleela qalbiga qofka, hase ahaate waxa ay ku sharxeen riyadu in ay tahay “Go,aanada aan qaadano ama aan rajeyno, ee aan aaminsanahay in aan ku hagaajinayno, caafimaadkeena, waxbarashadeena, hantideena iwm, kuwaasi oo ku dhisan khibradaaheeni horay aan u soo marnay”.
Hadaba dadka oo dhan waxa ay isku raacsan yihiin in riyooyinka ay rumoobaan, balse waxaa jira qodobo ay tahay in aad ka ilaaliso riyadaada hadii kale Riyada waxa ay ku ekaan doontaa oo kaliya “Riyo”.
Hadii Riyadaada aad ka ilaaliso seddexdan qodob ee hoose, waa hubaal Riyadaada waxa ay isku badali doontaa “Xaqiiqo”.
..Isku Dayka ha joojin
Dad badan ayaa halkan howsha ku joojiya.. waxaa laga yaabaa in ay isku day sameeyeen balse ay u shaqeyn weysay sidaa darteed hadda “wax isku day ah” oo dhan maba sameeyaan.Sidaa ha sameyn- ilaah riyo ayuu ku siiyey– ha caajisin, ducadana ku kaab ogowna “riyooyinka ugu badan waxaa lagu guuleystay markii la dhaafay halkii ay dad badan ku joojiyeen”
..Dadka Ma jecla Shaqo Adag.
Waxaad u maleysaa in aan mararka qaar iska filano oo kaliya in “Riyada ay rumowdo” laakin ogow Riyada iskama Rumowdo, waxa ay u baahan tahay maalmo badan, habeeno badan oo hurdo la,aan ah, iyo dhidid badan, hadii kale ma dhaafsiisano miiska “Riyada”.
..Dadku dad kale ayey wax ka fishaan-Nafsatooda Kuma Kalsoona.
Dad badan ma gaaraan riyadooda in ay rumowdo, maxaa yeelay dad kale ayey ka sugaan xaqiijinta riyadooda, hadaba hadii aad jeceshahay in aad xaqiijiso riyadaada adiga u shaqeey- xitaa hadii dadka kale aadan ka heysan taageeradii aad ugu baahneyd-
Ogow qof walba waa uu riyoodaa, xitaa dadkan aaminsan in “aysan waligood riyoon”, marka la fiiriyo cilmi-baaris ay sameeyeen, koox faransiis ah oo lagu daabacay “Journal of sleep research”, wax ay sheegaan in dadka oo dhan Riyoodaan laakiin qaar ka mid ah dadka “Ma xasuustaan” wixii ay ku riyoonayeen.
Warka Murugada leh ayaa waxa uu yahay in 98% Dadka ay guul dareystaan, 60% dadku waxa ay guul dareysteen iyaga oon bilaabin riyadooda, 20% bilowga ayey ku guuldareystaan, halka 18% ay ka caajisaan ku celcelinta ama isku dayka.