Cilmi ahaan: Maxey Candhuufa U dufaan Ciyaartooyda?

Marar badan ayaa aragnaa ciyaaryahanada, ciyaar dheer ka dib in ay candhuufa ka buuxiyaan garoonka, hase yeeshee sabab?

Xaqiiqonews.com-Ciyaaraha, Caafimaadka.

Dhowr cilmi baaris ayaa xaqiijiyey in  ciyaarta(dheesha) ay sababto in uu bato Protein-ka la socda dhareerka, gaar ahaan nooca lagu magacaabo MUC5B. dheecaanka noocan ah ayaa dhareerka ka dhigaya mid dufin badan taasi oo adkaaneysa in la liqo, sidaa darteed waxaa haboon in la iska tufo.

Ma cadda sababta aan u soo saarno dheecaanka MUC5B, marka aan ciyaareyno balse hal sabab ayaa waxaa laga yaabaa in ay tahay marka aan ciyaareyno waxa aan ka neefsanaa afka badalkii sanka,  dheecanki ayaan afka kala dagaalama qaleelka.

Ciyaaraha qaarkood sida kubadda goleyga iyo Teyniska waxaa dhacda in ciyaarahanka lagu ciqaabo candhuufa tufiska laakinse kubadda cagta maya,laacibtiinta waxa ay xor u yihiin in ay ka takhalusaan dhareerkan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA