Sheekada “PINOCCHIO” ee uu qoray qoraaga reer Taliyaani Carlo Colladi, dad badani waxa ay u arkaan sheeko caruureed khiyaali ah, balse saynisyahano rer Spain ah ayaa dhawaan baaris ku sameeyey waxa loogu yeeray “Saameyntii PINOCCHIO” waxa ay ogaadeen in sanka uusan goreyn marka aan been sheegeyno.
Xaqiiqonews.com-Saynis
Dr. Emilio Gomez iyo kooxdiisa waxa ay horumariyeen qaab cusub oo lagu soo saari karo “Beenta” iyadoo la isticmaalaayo habka sawir qaadista ah “Thermal imaging”, waxa ay ogaadeen in dadkii ka qeybgalay tijaabada uu hoos u dhac ku yimid heer kulka cijiyahooda, waxaana kor u kacay heerkulka dhabanadooda(daamaha).
Sidoo kale waxa ay ogaadeen in heerkulka sanka uu hoos u dhacay taasi oo keentay in uu yaraado sanka, hase yeeshee arinkani(yaraanshaha sanka) suuragal ma ahan in lagu arki karo isha oo qaawan.
Waxaa baaristan ka qeybgalay 60 arday oo lagu baaray farsamada “Thermal imaging” waxaase cajiib ah in la helay natiijo baaritaan oo lagu kalsoonaan karo 80%.