Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

-

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday in indhahu ay ka jawaabayeen ilayska iftiinka 5 saac ka dib markii qofka uu dhintay.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS

Cilmi baarayaasha oo tijaabiyey indhaha dad si rasmi ah u dhintay ayaa ogaaday in dhowr saacadood ka dib markii uu qofka dhinto ay wili indhaha ka falcelinayaan ilayska.

Sida ay qortay majaladda The Sun, Kooxda baaritaanka ayaa sheegay in arintani ay keeni karto baaritaano dheeri ah lagu sameeyo xunbnaha neerfayaasha qofka sida maskaxda iyo xangulaha.

Dr Faatima Cabaas oo hogaamineysay Baarayaasha oo ka socday Jaamacadda Utah (University of Utah) ee Mareykanka ayaa tiri “Waxaan awood u yeelanay in aan dib u soo kicino unugyada iftiinka qabta ee isha”.

Waxa ay intaasi ku dartay “indhaha waxa ay wax sii arkayeen 5 saacood ka dib markii xubintii weyneyd ay dhimatay, waxa ay ka jawaabayeen iftiinka, ilayska midibka leh iyo xitaa falaashka mugsiga ah.”

Baarayaasha waxa ay sheegeen baaritaanada noocani ah oo horay loogu sii socdo in ay keeni karto mustaqbalka daawo loo helo xanuunada ku dhaca aragga gaar ahaan xanuunada ay sababto da’da.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...