Cirbixiyeeno Ku Sugan Hawada..Maxey Ka Dhaheen Karoona?

-

Labo cirbixiyeen Mareykan ah oo ku sugan hawada, ayaa qorsheynaya in dib ugu soo laabtaan dhulka, ka dib muddo 9 bilood ah oo ay halkaasi ku suganyihiin.


Xaqiiqonews-Saynis-Xiddigiska

Inkastoo ay ku karantiilnaayeen hawada, waxa ay aaminsanyihiin in ay wili ku sii jiri doonaan karantiil marka ay dhulka ku soo laabtaan, madaama meelo badan oo dunida laga hirgeliyey shuruuc adag oo ka dhan ah fayruska karoona.

Andrew Morgan oo ah cirbixiyeen ka tirsan NASA ayaa sheegay in uu hawada kala socday wararka la xariira Karoona fayrus, isaga intaasi raaciyey in uu filanaayo in uu xaqiiqda indhihiisa ku arko isaga iyo kooxdiisa marka ay ku soo laabtaan dhulka.

Sidoo Kale Aqri.. Cudurkan Waa Kan Ugu Badan ee Ay U Dhintaan Cirbixyeenada

Jessica Mir oo ah cirbixiyeenad ka tirsan NASA ayaa tiri “wey adagtahay in aan rumeysano isbadaladii dhulka ka dhacay intii aan hawada ku maqneen, “waana adagtahay xaqiiqda ah in aan dareemi doono kalinimo la mid ah tii hawada aan ku soo aragnay” ayey sii raacisay.

Cirbixiyeenadan oo hawada u baxay bilihii May iyo Sibteembar ee sanadkii tagay, ayaa lagu wadaa in ay dhulka dib uga soo laabtaan iyaga oo la socda markab-cireedka Soyuz, waxaana la socda cirbixiyeenka Ruushiyaanka ee lagu magacaabo Oleg Skrybushka.

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...