Ciyaaraha Aduunka: Saadaal “Groupka Dimashada” Iyo Qori Tuurka Oo Dhacaya Jimcada

-

Dadyowga jecel ciyaaraha ayaa indhahooda ku sii jeedinaya dhankaaas iyo ruushka oo la filaayo in maalinta aajimcaha soo socoto ay ka dhacdo isku aadka qori tuurka ciyaaraha kubadda cagta ee dunida sanadka 2018-ka.

kooxaha u soo gudbay koobka aduunka ayaa sugaya in la qeybiyo sideeda group ee lugu kala dari doono kooxaha ku tartamaya sanadkan koobka aduunka waxaana koox waliba aay farta ku heysaa wadnaha iyadoo ka cabsaneysa in nasiibka uu ku soo aadiyo “group-ka dhimashada”.

Hadaba sidee lagu garan karaa groupka dimashada? !

Runtii waa mid fudad marka la raaco qaacidada FIFA ee ugu danbeysay oo ah heerka kala darajeynta xulalka iyadoo xul waliba uu leeyahay kaalin uu kaga jiro xulalka aduunka lana qiimeyo marka ay socoto ciyaaraha looga soo gudbaayo koobka aduunka.
sidaa darteed hadii afarta xul ee Group ka wada tirsan marka la isku taro kaalimahooda ay u dhawaato tiradooda celcelis ahaan 0(eber) waxa ay noqoneysaa in ay u sii dhawaadaan in ay noqdaan Group-ka dimashada.

Tusaale ahaan koobkii aduunka ee la qabtay sanadkii 1994-kii laguna qabtay mareekanka groupka dimashada waxaa noqday Group E oo ay ka wada tirsanaayeen xulka MIksiko oo heerka kala sareynta FIFA kaga jiray xilkaasi kaalinta 17-aad, Ireland oo kaalinta 13aad ku jirtay,taliyaaniga oo kaalinta Kowwaad ku jiray iyo Sidoo kale Norway oo kaalinta 5aad ah sidaa darteed tirada Celceliska Guud ee gruopkan waa 9.

Sidoo kale Koobkii aduunka 1998-kii lagu qabtay faransiiska Groupka dimashada waxaa noqday group G oo ay ka wada tirsanaayeen Romonia oo heerka 5aad aheyd xilikaasi, Ingiriiska oo kaalinta lixaad ah, Kolombia oo kaalinta 9aad ah iyo sidoo kale Xulka Tuunis oo kaalinta 23 aad ah sidaa darteed celceliska Grouka ayaa noqday 10.75.

Si kastaba Ha ahaate maalinta Jimcada soo socoto Waxaa dhici doona Qori tuurista kooxeynta Ciyaraaha aduunka waxaana xul waliba ay ka cabsanaayaan In ay galaan groupka dimashada oo ah kan ugu adag dhanka kalase ruushka ayaa martigelinya markii ugu horeysay taariikhda ciyaaraha kubadda cagta aduunka inta u dhaxeysa 14-ka juun ilaa 15-ka juulaay ee sanadka 2018-ka.
Ciyaaha ayaana ka kala dhici doono 11 magaalo oo ruushka ka tirsan oo kal ah:Moscow, Kaliningrad, St. Petersburg, Kazan, Volgograd, Nizhny Novgorod, Samara, Saransk, Rostov na Dono, Sochi, iyo Ekaterinburg.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...