Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka .
Wararka ka imaanaya degmada Dalandoolle ee gobolka Baay ayaa sheegaya in lagu qabtay sarkaal darajadiisa ciidan aheyd Korneel oo katirsanaa ciidamada ka howlgala magaalada Baydhabo.
wararka halkaas ka soo baxaya ayaa soo sheegay in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen Col. Ciise Max’med Cali xilli uu isku dhax qarinayay gaari shacab oo ka yimid magaalada Baydhabo.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka uu kusii jeeday Sarkaalkan katirsan Dowladda Federaalka, wararka qaar ayaa sheegayay in uu u socdaalayay magaalada Beled Weyne halka warar kale ay sheegayaan in uu si dhuumaalaysi ah ku aadi rabay magaalada Muqdisho.
Col. Ciise Max’med Cali ayaa bishii Febaraayi sanaddii,2012 wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidamada Itoobiya usoo gelbiyay magaalada Baydhabo kadibna wuxuu kamid noqday ciidanka Nabad sugidda DF-ka gaar ahaan kuwa dhar cadda loo yaqaan.
Saraakiil katirsan xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaalkan oo dhaq dhaqaaqiisa ay la socdeen ay gacanta ku dhigeen kadibna ay dileen.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]