Waddamo badan ayaa laga soo sheegayaa kiisas cusub oo ah cudurka mar la aragga ah ee “furuq-daanyeerka” kaasi oo afka qalaad lagu yiraahdo monkeypox, haddaba muxuu yahay cudurkan cusub?
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Cudurkan waxa uu caan ka yahay galbeedka iyo bartamaha Afrika , balse dalka Biritan oo kiiskii ugu horeeyey ee cudurkan ah laga diwaangeliyey bil ka hor waxaa laga helay qof dhawaan u safray Nayjeeriya. Waxaa la soo warinayaa kiisaska ilaa hadda laga diwaangeliyey gudaha Biritan in ay kor u dhaafeen 20.
Sidoo kale cudurkan furuq daanyeerka waxaa laga helay Isbeen, Burtaqaal, Jarmalka, Faransiiska, Astureeliya iyo Mareykanka.
Calaamadaha
Furuq daanyeerka waxa uu u egyahay cudurkii furuqa ee laga cirib tiray adduunka 1980-kii, waxaana dadku isku qaldaan furuq daanyeerkan iyo busbuska.
Marka qofka ku cusub yahay calaamadhiisa waxaa ka mid ah, qandho, madax xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qanjirada oo barara, qarqaryo iyo daal.
Maqaarka oo fiiq fiiqma waxa uu marka hore ka bilowdaa wajiga ka dibna waxa uu ku faafayaa qeybaha kale ee jirka.
Cudurkan ayaa dadka sii haaya ilaa muddo bil ah, mana jirto wax daawo oo uu leeyahay fayruskan. Inta ugu badan bukaanada waxa ay ka caafimaadaan cudurka, iyada oo WHO ay sheegeyso in heerka xaddiga dhimashada cudurka aysan ka badneen 3-6%.
Hay’adda caafimaadka WHO, waxa ay sheegeysaa in cudurkan lagu kala qaado dhibcaha la socda neefta qofka iyo taabshada maqaarka qof xanuunka qaba.