Cudurkan Waa Kan Ugu Badan Ee Ay U Dhintaan Cirbixiyeenada !

La Wadaag Asxaabtaada

Aqoonyahan Maraykan ah oo lagu magacaabo, Michael Deleb oo ka tirsan Jaamacadda Florida, ayaa sheegay in 43% ka qaybgalayaashii barnaamijka Apollo kuwaasi oo ku soo wareegay  dayaxa, ay u dhinteen cudurrada wadnaha ee kala duwan.

Xaqiiqonews.com-Xiddigiska

Sida laga soo xigtay Deleb, cirbixiyeenadii ka qeybgalay  mashruucii  Apollo, waxay la dhibtoonayaan silsilado  dhibaatooyin ah  oo la xariira cudurada wadnaha.

Sida laga soo xigtay xogta uu uu bixiyey Deleb , tirada dhimashada ee kaqeybgalayaasha barnaamijkaa Appolo, ayaa waxaa aad ugu badnaa cudurada wadnaha iyo xididdada dhiigga, taasi oo qiyaastii 4-5 jeer ka sarreysaa tirada dimashada wadnaha ee cirbixiyeenada kale NASA oo wili aan tagin safar dayaxa ah.

Xaqiiqonews ayaa ka soo tarjuntay website-ka Scientific reports, in sababta suurtagalka ah ee keeneysa “Cudur dayaxeedkan” ay tahay  raadadkii ka dhashay xididada dhiigga oo qalalay taasi oo ay sababtay shucaaca dhulka ee mar walba duqeeya Maraakiibta NASA ee ku safraya hawada.

Aqoonyahan Michael Deleb oo keenay fikraddan ayaa tijaabo ku sameeyey dooliyaal lagu aruuriyey qol kuwaasi oo la giliyey xaalad la mid tan ay ku suganyihiin dadka dayaxa dushiisa saara, lix bilood ka dib dooliyaasha ayaa la dhibaatooday mushkilad la mid ah tan ay cabanayaan cirbixiyeenada.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada