Baarayaal ka tirsan jaamacadda University of East Anglia ee dalka Britain, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay soo heleen qaab nolasha aadanaha gaarsiin karta ilaa 200 sano !
Xaqiiqonews-Saynis, Caafimaadka
Aqoonyahanada ayaa tijaabada ku sameeyey “Gooryaan” , ka dib markii ay shaqada ka joohiyeen hiddesidaha DAF-2 ee laga helo gooryaanada qaangaarka ah.
Gooryaanka lagu sameeyey tijaabada ayaa helay nolal u dhigata marka loo barbardhig bani-aadamka qiyaastii 200 oo sano.
Dr Alexey Maklakov, oo ka tirsan jamaacadda East Anglia ayaa sheegay “waxaa suuragal ah dadka jirkooda in lagala dagaalamo duqnimada waa hadii shaqada laga joojiyo hiddesidaha DAF-2 islamarka ay dadka qaangaaraanba.
Baaritaankan cusub ayaa xoogga saaraya shaqo ka joojinta Hiddesidaha DAF-2 islmarka uu qofka soo qaangaaraba taasi oo qeyb ka qaadan karto in uu cimirga dheeraada sida uu ku doodaayo dr Alexey Maklakov,