Cun Labo Tufaax Maalin Walbo..Waxa Aad Isku Arki Doontaa Natiijadan

La Wadaag Asxaabtaada

Saynisyahano ayaa sheegay in labo tufaax oo la canaa maalin kasta ay yareyn karto halista wadna xanuunka ka dhasha kalastaroolka raaca halbowlayaasha dhiigga qaada.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Tufaaxan ayaa waxaa ku jira “duman” cunto ah u ah bakteeriyada ku jira caloosha taasi oo la dagaalanta Kalastaroolka.

Daraasadda ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyey 40 qof oo da’dooda u dhaxeysa 20-69 sano, kuwaasi oo la dhibaateysnaa Kalastaroolka dhiigga.

Labo tufaax oo waaweyn oo si maalin le ah ay u canaayeen 8 todobaad, ka dib waxaa hoos u dhacay Kalastaroolkii dhibka ku haayey,isagoo hoos u dhacay qiyaastii 4%.

Sidoo Kale Aqri.Iska bara..Saddaxdan Walxood Ayaa Sababi Kara Shiirka Xun ee Jirka

Barafasoor Julie Lovgrove oo bare sare ka ah jamaacadda Reading, isla markaana dhigga qeybta nafaqada ban’aadamka ayaa sheegay “Dadka cuna labo tufaax maalin walbo waxaa hoos u dhacaya kalastaroolka LDL, oo sidoo kale loo yaqaan “Kalastaroolka wax dhiba”.

Daraasadda oo lagu baahiyey majaladda cuntada ee Mareykanka, ayey culimadu ku tilmaameen “mid muhiim ah”, marka la fiiriyo sida wax tarka leh ee daraasadda ay kaga hadashay hoos u dhigista Kalastaroolka dhiigga.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada