Daaciga masriga ah Mabdruuk Cadiya ayaa fasiraad ka bixiyey hadal muran dhaliyey oo ku sheegay in internnetka lagu sheegay qur’aanka.
XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA
Mabruuk Cadiya waxa uu leeyahay aayadda 83,aad ee suuratu A-nisaa ujeedka laga leeyahay waxa ay tahay in aan la faafiin wararka aan sal iyo raadka laheyn ee kicinaya fitnada isaga oo yiri “hadii noolasheena maanta aad fiiriso internetka iyo faysbuugga ayaa ah meelaha ugu badan ee lagu baahiyo wararka.”
Daaciga ayaa soo qaatay aayadda dhaheysa “hadii uu u yimaado arin amniga ku saabsan ama cabsi waa aay baahinayaan”
لقوله تعالى: (وإذا جاءهم أمر من الأمن أو الخوف أذاعوا به)
Mabruuk waxa uu leeyahay: shuruudaha sharciga ee u dagsan warka la baahinaayo waxaa ka mid ah in aysan ka dhalan fitno ama in la galo dambiyo mamnuuc ah, isaga oo tilmaamay wararka la leexiyo ama la soo jarjaro.
Hadalka Mabruuk Cadiya ayaa dood badan dhaliyey ka dib markii boggiisa faybuug uu ku faafiyey aayadda 83’aad ee suuratu A-nisaa isaga oo soo raaciyey “ilaah ayaan ku dhaartay internetka iyo faysbuugga aayadda ayey ku jiraan”