DAACISH: Muusil Ka dib Xagee bey ku Danbeysay riyadii Khilaafada Islamiga#XOG KULUL

Ka Dib markii ciidanka Ciraaq Ay dib u qabsadeen Magaalada Muusil Islmarkaana uu bilowday dagaalka Raqah dad badan ayaa shaki geliyey jiritaanka Daacish Oo horay u iclaamiyey khilaafo islaami ah.

hase ahaate inkstoo uu jiro ciiriiri badan oo kooxda SOO wajahay balse waxaa wali jira dhul balaaran oo kooxdu iyada si toos ah u maamusha.

CIRAAQ
kooxda Dowladda islaamiga(daacish) ayaa gacanta ku haysa laga soo bilaabo mandiqadda barri ee Wabiga Dajlah ee gobolka NINAWA ilaa magaalada Alshirqaadh ee gobolka Salaaxu diin sidoo kale kooxda ayaa aya gacanta ku haya Qeybo a tirsan gobolka Karkuuk laga soo bilaabo magaalada Alxuweejiyah ilaa mandiqadda ku teedsan wabiga Furaat ilaa laga gaaro magaalada xuduuda siiriya iyo ciraaq dhacda ee Alqaa,im iyo degaanka “Canhu ” oo isla xuduuda ah.

Siiriya
Kooxda ISIS ayaa sidoo kale gacanta ku heysa dhulka Siiriya gaar ahaan deegaanada ku teedsan wabiga Furat ilaa laga gaaro magaalada Raqah oo ay ju jiraan magaalooyinka Buukamaal iyo Waliba qeybo ka tirsan DEyru-ZOOR.

Sidoo kale kooxda ayaa gacanta ku haaya deegaano kale oo kala fog fog oo isla siiriya ah waxaana ugu muhiisan buuraha al-bilcaas oo dhaca bartamaha dalka iyo buuraha al-qalimuun oo dhaca dhanka waqooyi ee xaduuda siiriya iyo Lubanaan.

Filibiin.
kooxda ISIS ayaa sidoo kale gacanta ku haayo degaano ka tirsan Filibiin ka dib markii Jamaacad Abu-syaaf oo ka dagaalami jirtay Filibiin ay Beeca la galeen ISIS sanadkii 2014-kii waxaana lagu qiyaasaa dagaalyanahada kooxda ee halkaasi ku sugan ilaa 400 boqol oo dagaalyahan oo inta badan afduub ka geysta Biyaha badda Suuluu ee kala qeybiya wadamada Filibiin, MaleeZiya iyo Indeonesia.

Sidoo kale waxaa jira kooxo kale oo filibiin ka dagaalama islamrkaana beeca kula jira ISIS waxaana ugu muhiimsan “Ansaru khilaafah” oo la aasaasay 2015

MASAR
“wilaayada Siinaa” Waa magaca faraca kooxda ISIS ee dalka masar waxaana ay ku xoogan yihiin gacan Siinaa.
Kooxdani oo horay loogu magacaabi jiray”Ansaaru beytul maqdis” ayaa Iclaamiyey in ay ku biireen ISIS sanadkii 2014-ka.

Nigeria.
kooxda Boko haram ee dagaalama nigeria ayaa qaatay magaca ah”Wilaaada galbeedka Afrika” ka dib markii ay beeca la galeen ISIS 2015-ka.

Pakistan iyo Afghanistan

“wilaayada khuraazaan” waa faraca kooxda ee dhulalka pakistan,afghanistan,india iyo bangaldesh waxaana tirada kooxda ISIS ee faracani lagu qiyaasaa inta u dhaxeeysa 800-1000 dagaalyahan

sidoo kale”Jundulaah” ayaa ka mid ah faracyada kooxda ee pakistan ka dib markii ay iclaamiyeen in ay ku bireen ISIS 2015-kii waxaan inta badan kooxdani ay caan ku yihiin weeraradooda ay la beegsadaan shiicada laga tirada badan yahay.

Uzbekistan
xarakada islaamiga ee Uzbekistan oo la aasaasay 1998-kii ayaa iclaamisay in ay ku biirtay ISIS 2014-kii waxaana kooxdani oo tiradooda lagu sheegay 1000-dagaalyahan ay ka dagaalamaan inta u dhaxeysa wadamada Tajikistan,Uzbekistan Kyrgyzstan

Ruushka.
“Wilaayada Qooqaaz”waa magaca faraca kooxda ISIS ee Ruushka waxaana inta badan kooxdani ay beeca la galeen hogaamiyaha ISIS 2015-kii.
waxaana la xasuusta in ruushka dhowr mar ku eedyey kooxdani in ay dagaalyanaho u direen siiriya si ay ugu bar bar dagaalamaan ISIS.

Liibiya.
Isis ayaa ku guuleystay in faracyo ka sameystaan Liibiya dhimashii qadaafi ka dib waxaana kooxda ay liibiya ka aasaaseen ilaa seddex farac oo kala ah”Wilaayada daraabulus” wilaayada albarqah” iyo “Wilaayad Fazaan”

Yemen iyo Somalia

inkastoo ISIS ay farcyo ku leeyihiin Yemen iyo Somalia hase ahaate ma ahan Kuwo sameyn leh sababtuna waxa ay tahay Faracyada al qaacidda ee labada dal oo aad u xoogan.

Waxaana lagu qiyaasaa dagaalyahanada ISIS ee labada dalba 300 oo dagalyahan isku darkooda guud.

Aljeeriya
“Wilaayada aljazaa,ir” oo ah kooxdii horay loogu magacaabi jiray”Jundul khaliifah fi arli aljazaa,ir” ayaa ah faraca haatan ee ISIS ee dalka Aljeeriya waxeyna ku bireen ISIS 2014-kii

Afgrkida kale.
Wadamada kale ee afrika ee lagu tuhmayo in ay joogaan dagaalyahani ISIS taabsan inakastoo aysan laheyn awood muuqato ayaa waxa ay yihiin Burkino fasok, Niger iyo maaali

XIGASHO: wakaaladda wararka “Anatolia Agency”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA