Daacishta Soomaaliya Oo Go’aankan Qaadatay..Isbadalka Cusub

La Wadaag Asxaabtaada

Kooxda Abdulkaadir Mumin ayaa markale beeca cusub la galay hogaamiyaha Cusub ee kooxda Dowladda Islaamiga Abu Ibrahmim Alqureshi.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Sawir laga soo qaaday xubno ka tirsan kooxdan oo daraasiin ah, islamarkaana fadhiya geed hoostiisa ayaa lagu sheegay inay taageerayaan hoggaanka cusub, islamarkaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Daacishta Soomaaliya inay sii wadi doonto dagaalka ay waddo iyo weerarada ay ka geysasto gudaha Soomaaliya.

Kooxdan oo uu hoggaamiyo, Sheekh Cabduqaadir Muumin oo horay uga goostay Al-Shabaab ayaa ku xoogan dhulka Buuraleyda goboka Bari ee maamulka Puntland.

Waa markii ugu horreysay oo Daacishta Soomaaliya ka hadasho dilka hoggaamiyihii hore Al-Baqdaadi iyo magacaabista kan cusub ee Al-Qurayshi, kadib weerarkii uu Mareykanku ka fuliyey gobolka Idlib ee dalka Suuriy.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada