Daaha Ka Gadaal: Ciidamo Eriteriyaan ah Oo Loo Soo Wado Baladweyne.

Xiriirka sii hagaagaya Ee Itoobiya Iyo Eriteriya, ayaa qarka u saaran in soo dadajiyo ka bixitaanka Ciidamada Jabuuti ee dalka Soomaaliya, waqtigan oo aysan jirin ciidan Soomaaliya leedahay oo badali kara ciidankaasi, ayaa dhankeeda Eriteriya waxa ay wadaa qorsho ay ciidamo ugu diyaarineyso Soomaaliya.

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha

Dowladda Itooiya ayaa waddo qorsho walbo oo suuragal ah si loo hagaajiyo dhaqaala xumida ay la daalaadhaceyso Asmara, ajandayaasha dhaqaale u aruurinta Eriteriya waxaa ka mid ah in qeyb laga siiyo Ciidanka Nabad ilaalinta Amisom.

Si Eriteriya ay u hesho boos buuxa waa muhiim in jabuuti lagu qasbaa sidii ay ugu guuri laheyd baladweyne, waxaana qorshayaasha ka mid ah in la iska hor keena labada dowladood Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hadda Ma wanaagsana xiriirka Jabuuti Iyo Soomaaliya, waxaana Jabuuti ay u wacday safiirkii ka fadhiyey Soomaaliya taasi oo ka dhigeysa qorshihii Itoobiya “mid guul ku dhaw”.

Warar aan la xaqiijinin dhabnimadooda ayaa  sheegaya in Ciidanka Jabuuti ee ku sugan Baladweyne ay wadaan dhaqdhaqaaqyo “boorso xirxirasho”, hase ahaatee xaqiiqada taala goobta ayaa ka dhigeysa “kala wareegistan” mid waqti badan qaadata.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA