Ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistaan waxa la asaasay sanadkii 1994 ka dib dagaalkii sokeeyey ee dalkaasi ka qarxay.
XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA
Qofka la socda wararka maanta waxa uu si joogta ah u maqlayaa Daalibaan oo la kulantay Mareykanka, wakiilka Daalibaan u fadhiya Qadar oo la kulmay safiirka shiinaha, Daalibaan oo la kulantay Iiraan, Daalibaan oo qabsatay dhul badan oo ka tirsan Afghanistaan iyo warar badan oo ciwaanadaas la xariira.
Su’aalo muhiim ah ayaa ka dhalan kara wararkaasi aan maqalno, balse tan ugu muhiimsan waxa ay tahay : Maxaa Iska badalay Daalibaan?
Daalibaan iyo Al-Shabaab
Ka hor inta aanan ogaan isbadalka dhacay, waxaa muhiim ah in aan ogaano waa kumaa Daalibaan? si fahankaada u fududaado waxa aan isbarbardhig ku sameyneynaa kooxda Daalibaan iyo kooxda Al-shabaab ee ka dalagaanta Soomaaliya.
Isku Mid Ahaanshaha: labada koox( waa Daalibaan iyo Al-shabaabe) waxa ay ka siman yihiin meelo badan sida, asaasidda oo labadooduba waxa ay ka dhasheen dagaaladii Sokeeyey ee ka kala qarxay Afghanistaan iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay ka siman yihiin, kooxda Daalibaan waxa ay ka sameysantay gobolada Koonfureed ee Afghanistaan halka Al-shabaab ay ka sameysmeen gobolada koonfureed ee Soomaaliya.
Daalibaan waxa ay sheegaan in ay hirgelinayaan shareecada islaamka halka Al-shabaabna ay sidaasi ku doodaan. Iyaga oo intaasi oo dhan ka siman waxaa muhiim ah in aan xisaabta ku darsano kala duwanaashaha labada urur oo runtii ka muhiimsan isku mid ahaanshahooda.
Kala Duwanaashaha: Ururka Daalibaan oo isaga hori u martigeliyey madax sare oo shabakadda Al-Qaacida ka tirsanaa, ayaan marna ku biirin ururkaasi, halka Al-shabaab ay sanadkii 2012-kii ku biireen ururkii Al-Qaacidda.
Dabeecadda Dagaal ee Daalibaan waxa uu wax badan u ekaa “mid wadaniyadeed”, iyaga oo ku dooda in loo madax baneeyo wadankooda Afghanistaan si ay halkaasi ugu dhisaan “imaarat islaami ah”, laakiin dabeecadda dagaal ee Al-shabaab taasi waa ay ku duwantahay.
Kala duwanaashaha labada urur waxa tusaale cad kaaga filan wada hadalada Daalibaan ay kula jirto dunida, halka urur Al-shabaab ay dhowr mar sheegeen in ay wada hadalka kaliya ee dunida la galayaan uu yahay “qori afkiis”.
Daalibaan Ma Heshiinsiin Kartaa DF-ka Iyo Al-shabaab?
Waa hal su’aal, hase ahaatee yeelan karta kun jawaabood, markase su’aasha la soo aruuriyo waxa aan dhihi karnaa “Horta DF-ka iyo Al-Shabaab Heshiis ma u diyaarsan yihiin?
Seddex sabab dartood ma aaminsani in ay heshiinayaan DF-ka iyo Al-shabaab xitaa hadii dadkii dhintay loo soo nooleeyo.
-Khilaaf gudaha ah: labada dhinacba waxa ay wajahayaan khilaaf xagga gudaha, tusaale Df-ka heshiis lama ahan dhammaan maamul goboleedyada halka Al-shabaab ay toogeen xabsiyadooduna ay buux dhaafiyeen xubno hore oo loo xirxiray fikirka cusub ee kooxda ay ka qaateen.
-Hadaf la’aan: Al-shaab ma lahan hadaf ay ku gaarayaan ujeedkooda, kaliya waxa ay mar walbo ku celceliyaan u jeedada ay u socdaan -sida ay sheegaan- oo ah in Kitaabka Ilaah lagu dhaqo dhulka Ilaah, dhankooda qolyaha Federaalka malahan hadaf xitaa ma jiro u jeedo loo socdo, marba madaxweynihii xilka qabta ayaa xiriir la sameeyo qofkii uu rabo cidii uu doonana la dagaala.
-Fara gelin dibadda ah: DF-ka iyo Al-shabaab labaduba waa sida “shirkado saami qeybsi ah”, labaduba fikir ahaan iyo dhaqaale ahaanba xor ma ahan oo waxa ay xeeriyaan fikrado kale oo caalami ah.