Daalibaan Oo Qabsatay Magaalada Ugu Weyn Afghanistaan

-

Kooxda Daalibaan ayaa la wareegtay gacan ku heynta magaalooyinka Lashkar Gah iyo Qandahaar oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Afganistaan.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Ururka Daalibaan oo u muuqda in uu soo ceshanaayo awoodiisa uu ku lahaa Afghanistaan ka hor duulaanka Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa hadda qabsanaya dhul badan.

Ilaa hadda waxa ay gacanta ku dhigeen 18 magaalo madax goboleed, oo ka mid tahay magaalada labaad ee ugu weyn afghanistaan Qandahaar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka Joon kerbi ayaa sheegay inta u dhaxeysa 24 saac ilaa 48 saac gudahood uu Mareykanka u diri doono Afghanistaan seddex kun oo askari oo dheeraad ah si ay u hubiyaan badqabka dibloomasiyiinta laga soo daad gureynaayo halkaas.

Sidoo Kale Aqri: Daalibaan Ma Heshiisiin Kartaa Df-ka Iyo Alshabaab?

Biritan ayaa dib ugu celineysa Afghanistaan boqolaal ciidamadeeda ah si ay u xaqiijiyaan badqabka muwaadiniinteeda, halka Jarmalkan uu ugu yeeray dadkiisa in ay iskaga baxaan Afghanistaan.

Xukuumadda Afghanistaan oo la dhibaatooneysa balan ka baxyada Mareykana ayaa hadda u jeesatay askareynta maleeshiyaadka iyo hubeynta hogmiyaaashii hore .

Mareykanka oo isagu horay u sheegay in uu xulafadiisa ilaalin doono ayaa hadda ku qasbay dowladda Afghanistaan in ay ogolaato in ay awoodda qeybsi la sameeysato Daalibaan oo iyada iska diiday dalabkaasi, iyaga oo u arka in ay Afghaan dhankooda u soo wareegi rabto marka la fiiriyo sida ay wax ku socdaan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...