Daraasad Cusub ayaa dhawaan lagu sameeyey daawada Donald Trump uu u isticmaalo Bidaarta, daraasadda ayaa daaha ka qaatay in daawadan ay malaayiin rag ah ka badbaadin karto cudur halis ah.
Xaqiiqonews.com-Saynis
Daraasaddan oo qaadatay muddo 20 sano ah ayaa lagu ogaaday in kiimakada daawada oo la yiraahdo “finasteride” ay qeyb ka qaadato daaweynta Kansarka Xaniyaha(Prostate Cancer).
Sida ay qortay “Dail Mail” Dadweynaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa kiimikadan u isticmaala in ay kaga hortagaan bidaarta waxaana dadka sida maalin laha u isticmaala ka mid ah Donal Trump Madaxweynaha Mareykanka.
Jan Thompson oo ka mid ah cilmi baarayaasha ayaa sheegay in daawada “finasteride” ay tahay mid waxter leh islamarkaana raqiis ah taasi oo wax ka qaban karta cudurka Kansar Raggeedka ah ee Prostate cancer.