Wakaaladda wararka Turkiga Anadol ayaa sheegtay maalinimadii jimcada in Turkiga uu sameeyey daawada karoona, isaga oo arintaasi la garabsaday shirkadda VSY ee daawooyinka sameeya.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Daawadan cusub ayaa qaadatay magaca “TR-C-19”, Cevdet Erdöl oo ah madaxa jaamacadda caafimaadka ayaa sheegay in daawadani ay diyaar u tahay in la siiyo bukaanada, waxa kaliya oo ka dhimanna ay tahay rukhsadeynta.
Madaxa shirkadda “VSY” Arjan Warblash ayaa u sheegay in daawadani cusub ee TR-C-19 ay tahay waxqabadkii ugu weynaa ee shirkadda ay kaga qeyb qaadaneyso daawo u radinta karoona, iyadoo shirkaddu ay garab ka heleyso jaamacadda qaabilsan caafimaadka.
Sidoo kale Aqri..Turkiga Oo Soomaaliya u Hagabr baxay.. arag Mashiinadii ugu dambeeyey
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa horay ugu dhawaaqay in dalka Turkiga uu ka gudbay marxaladii ugu horeysay ee la dalaanka covid-29, iyagoo ku dhawaaqay in fayruska uu noqday “mid la maamulo”.