Shirkadda Jarmalka ee baabuurta soo saarta “BMW” ayaa soo saartay baabuurkii ugu horeeyey kaasi oo awood u leh in si iskiis ah midibka u badasho.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Baabuurka cusub oo noociisu yahay iX Flow ayaa isticmaalaya tiknoolajiyadda “E ink” oo awood u siineysa in uu badasho midibkiisa.
Tijaabada lasoo bandhigay.. isbadalka midibka ayaa laga hagayaayey taleefon, hase ahaatee mustaqbalka waxaa isbadalka laga xakumi doonaa badhan ku yaalla meesha baabuurka laga wada ama isbadalka ayaa ku shaqeyn doonaa tilmaamaha gacanta.
Tijaabada oo lagu soo bandhigay bandhigga elektarooniga ee “CES” ee magaalada Les Vegas dalka Mareykanka ayaa baabuurkan tijaabada ah waxa uu awood u yeeshay in uu isku badbadalo midibada cadaanka iyo ramaadiga,balse shirkada ayaa sheegtay in midibo badan ku soo dari doonto.
Stella Clark, oo ka mid ah injineerada BMW ayaa carab dhawday in isbadalka midibka baabuurkan uu faa’ido leeyahay xaaladaha kala duwan ee cimilada, marka cimiladu ay kulushahay waxaa loo badali karaa cadaan si uu iskaga xijiyo iftiinka cadceedda halka xilliyada qabowgana loo badali karomadow si uu u dhuuqo kuleylka islmarkaana looga helo diiranaan.