Daawo: C/ Fataax Siisii Oo Dhunkanaya Ciise Masiix Janada Dhaxdeeda !!!

La Wadaag Asxaabtaada

Dadka isticmaala Baraha bulshada ayaa is isku faafinaayey sawir lga soo qaaday boogga hore ee Jariidada  “A-shuuraa” ee ka soo baxda Masar, arintaasi oo carro ka dhax abuurtay dadweynaha.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda

Wargeyska “A-shuuraa” ee ka soo baxa dalka Masar ayaa maalintii Axadda ee la soo dhaafay daabacay ciwaan  marka af-soomaali lagu tarjumo u qormaya “Siisii Oo Janada Ku dhax Shuminaya Ciise Masiix”

Arintani ayaa carro ka dhax abuurtay bulshada iyagoo ku tilmaamay warbaahinta dowladda in ay gaartay heer aan wali la argin.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee warbaahinta masar ay baahineyso warar muran dhalin kara, waxaa horay u dhacday in wargeyska “A-Zaman” uu baahiyey war dood abuuray kaasi oo ku saabsanaa “Ilabiriqsiyadii uu dhalanaayey Siisii” warbixintaasi oo si ka badbadis ah uga hadashay mowduucaasi

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada