DAAWO CABSI:Nin Ka sii Waramaya Mustaqbalka oo Magaciisa Lagu Shaagey Nuux(Talow waa Nuuxee !)

La Wadaag Asxaabtaada

chanel-ka wata magaca ah Paranormal Eliten ayaa ku baahiyey bartooda youtube-ka muuqaalka nin sheegay in uu safar ka yahay mustaqbalka uuna ka yimid 2028 asiga oo ka sheegeynaya waxyaabaha mustaqbalka dhici kara.

Muuqaalka ayaa waxaa lagu daawan karaa nin magaciisa lagu sheegay nuux oo dhahaya”fikireyga ma ahan in aan qof qaldo kaliya waxa aa doonayaa in idin sheego in waqtiga oo lagu safro ay tahay waxa dhici kara waxaana idin sheegi karaa waxyaabaha mustqablka dhici kara.”

Nuux ayaa intaasi raaciyey”waxaa iga xeran jaceylka aan cuntada u haayo waxaana dareemaya daal cimriyeed” sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ka soo safray sanadka 2028 taariikhdu markii ay aheyd 13 Nov 2017.

Nuux ayaa hadalkiisa ku xoojiyey in uu ka sii warama waxyaabo mustaqblka dhici karo isaga oo yiri” waxaan jecelaahy in idinka sii warama waxyaabo dhici kara mustaqbalka sidan in sanadka 2021 baabuurta ay noqon doonaan kuwa ku shaqeeya Bitiri koronteed iyadoo baabuurka uu awoodi doono in uu safro masaafo dhan 600 km halkii mar ee la dabeeyo.

Ugu danbeyntii Nuux ayaa ka sii waramaya cidda guuleysaneysa doorashada mareekanka ee sanadka 2020 waxa uuna sheegay in uu shaki ku jirin in Donald Trump uu guuleysanaya boqolkiiba boqol 100% .

Muuqaalka oo ku baxaya lahjad American English ah oo aad u adag ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey hadalka ninkan oo dhahaya”waad ku mahadsantihiin sida aad ii dhageysateen waxaana idin rajeynayaa mustaqbal wanaagsan iyo nasiib wacan.

Sidaasi oo ay tahay hay,adda magaceedu yahay “Paranormal Investigations” ayaa ninkani ugu deeqday lacag dhan $700 si uu ugu debero nolol maalmeedkiisa.

hadaba aqriste fikirkaada maxey kula tahay ma saxbaa in waqti soo socdo qof ka soo safro ? ,mise arintani ma loo qaadan karaa magac raadis?

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada