DAAWO: Cali Wajiis oo si qiiro leh uga sheekeeyay sidii uu uga bad-baaday Shabaab & Xasuuqii ay geysteen

-

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ahaa culimadii laga soo badbaadiyay weerarkii Xarakada Alshabaab ku qaaden Hoteel Naasa-Hablood ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkaay waxa uu ugu yeeray”cadaawad fog oo ay Shabaab u qabaan dadka shacabka ah.”

Waxa uu Sheekh Cali Wajiis sheegay in si ku tallo gal ah ay u beegsanayeen dadka abriyada ah ee xiligaa ku jiray Hoteelka, waxa uuna meesha ka saaray in Alshabaab ay u diir naxayaan shacabka.

Waxa uu tusaale usoo qaatay Hooyo iyo carruurteeda oo weerarka ka hor usoo martiyey Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka K/galbed Madoobe Nuunow Maxamed.

Waxa uu yiri”waxa ay dileen hooyo iyo carruur ay wadatay, hooyadu waxa ay ku dileen qol aan waxyar ka hor ka baxay oo ay soo gashay”

Waxa uu aad u amaanay ciidamada dowlada oo uu sheegay inay darbiyada uga boodeen Hoteelka, isla markaana naftooda u hureen dadkii ku jiray gudaha, waxa uuna xusay inay dhabarka ka tuuganayeen kuwa al-Shabaab.

”Waxaan saacado xalay la noolaa al-Shabaab waxaan arkay ayaa igu filan alshabaab diyaar uma aha inay u naxariistaan shacabka”

https://www.youtube.com/watch?v=VyTL5c-xLAI

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...