Todabaadkii tagay magaalooyinka waaweyn ee dalka suudaan waxaa ka dhacay dibadbaxyo iyo cabashooyin ka dhan kor u kaca qiimaha cuntooyin qaar sida rootiga.
Xilli ay socdaan cabashooyinka ayaa dhanka kale waxa ay dadka kuwada xariira facebook ay is dhaaafsanayeen muuqaal ku saabsan gudoomiyaha jaamacad gabdhaha ay dhigtaan oo garaacaya gabdho ka mid ahaa kuwa cabanaya iyagoo ku guda jiray banaanbaxa.
Muuqaalkan ayaa la qaaday sanadkii 2013 waxaan xilligaasi gabdhaha ay ka cabanayeen kor u kaca qiimaha cuntada ee Maqaayadda jaamacada waxaan xiligaasi gudoomiyaha uu ul la dhax gacay ardayda cabashada waday.
dhacdada tumista ah ka dib gudoomiyaha waa uu u cudur daartay gabadha hase ahaatee muuqaalka laguma soo darin.
Balqiis Badri oo ka tirsan qoyska jaamacada waxa ay leedadahay “muuqaalka waxaa uu soo tabiyey hal dhinac oo kaliya maxaa yeelay marka dhacdada ay dhaceysay gabdhaha qaarkood waxa ay ku qeylinayeen dhismaha jaamacadda ha la gubo”.