Daawo..Daalibaan Oo Diyaarad Duulineysa

La Wadaag Asxaabtaada

Afhayeen u hadlay ururka Daalibaan ayaa ka sheegay garoonka kaabuul in Daalibaan ay guuleystay ka dib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee Ameerikaanka ay ka baxday Afghanistaan Habeenkii isniinta 30-ka agoosto saacadda bariga Afrika markii ay aheyd 10:29 pm


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Ciidanka gaarka ah ee Daaliban badri 313 ayaa gacan ku heynta garoonka kala wareegay ciidanka Ameerikaanka.

Ciidanka gaarka ah ee Daalibaan oo ku qalabeysan qalabka milatriga Mareykanka

Markii lagu dhawaaqay in diyaaraddii ugu dambeysay ay duushay, waxaa mar kaliya hawada is qabsaday dabaal deg rasaas ah oo cirka loo ridaayey.

Dhanka kale waxaa baraha bulshada lagu baahiyey qalab milatari oo isagu jira, baabuur, diyaarado iyo helikobteris kuwaasi oo u gacan galay ciidanka Daalibaan.

Sidoo Kale Aqri: Casharada Laga Baran Karo Daalibaan 2001 ilaa 2021

Muuqaal la baahiyey ayaa lagu arkay ciidanka Daalibaan oo ku guuleystay in ay duuliyaan diyaaradda helikobtarka Balaag Hook (Black hawk) ee Ameerikaanka arintaasi oo hadal heyn badan baraha bulshada ka dhalisay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada