Dowladda yahuuda ayaa si walbo sameysay Wax walibo oo ay ku sii adkeyn karto jiritaankeeda bariga dhexe waxaana dhawaan ay sameysay hab cusub kaasi oo beegsanaya in la askareeyo dumarka qurxan.
Wakaaladda ‘Sputnik’ ee ruushka qeybteeda Af-ingiriiska ayaa daabacday warbxino ay kaga hadleen askareynta dowladda israa,il iyadoo Warbixinta si gaar ah shaaca kaga qaatay Ciwaano ay isticmaalan dumarka qurxan ee askarta u ah isra,il barta bulshada ay kuwada xariirto ee “instgram”.
Waxaana Ciwaanada ay faafiyaan si joogto sawiro dumar dhalinyaro ah oo soo jiidasho leh taasi oo jiidatay kumaanaan dadka isticmaala barta Instgram-ka.
Qof walbo oo yahuudi ah waa qasab ah in askari noqdo iyadoo dumarka qasab tahay in ay labo sano oo askarinimo ah ay marto halka Ragana laga rabo in ay maraan seddex sano oo asgarinimo ah.