Daawo..Gabar Hindi Ah Oo Ku Oyneysa Bartamaha Soomaaliya!

La Wadaag Asxaabtaada

Raheem Unnisa oo ah gabar Hindi ah oo ka soo jeeda Heydrbad ayaa cabasha ka ah dhibaato ku heysata gobolada dhexe ee Somaaliya.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Sida uu aabaheed u sheegay wakaaladda wararka ANI. Raheem Unnisa waxaa guursaday Cumar Daahir Faarax sanadkii 2008, kaas oo wax ka baranayay Chennai, kadib guurkooda, waxey Hyderabad ku noolaayeen ku dhawaad 10-sanadood, waxeyna heysteen 4 caruur ah.

Sheikh Hyder Ali oo ah aabaha dhalay Raheem waxa uu leeyahy :bishii April 2017 ayaa gabadha iyo caruurtaba loo raray Soomaaliya, hal canug ayaa halkaas ugu dhashay,” .

Raheem oo hadda ku nool bartamaha Soomaaliya waxa ay dalbaneysa in laga soo badbaadiyo dhibaatada iyada iyo caruurteeda 5-ta ahba ku heysata degmada Goldogob oo ka tirsan gobolka Mudug.

“Waxaan halkaan ku joognaa qoys ahaan, waxaan dhibaato kala kulmaa maalin walba sodohdeey, waa inaan dawarsano cuntada, fadlan nagu caawiya inaan dib ugu laabano Hindiya” ayey tiri Raheem oo la hadashay wakaaladda wararka ANI oo fadhigeedu yahay Hindiya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada