Daawo..Gabar Yar Oo Aabitey Ku Daba xiran ..Ilbiriqsiyo Naxdin Leh

-

Goob lagu soo bandhigaayey warqadaha biiba (Aabitey) ayaa waxa ay isku badashay nus daqiiqad argagax ah ka dib markii gabar yar ay si lama filaan ah ugu daba dhagtay warqad weyn.


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyey daqiiqad argagax leh oo ay la noolaatay gabar yar oo 3 jir ah, xilli bandhig faneed uu ka socday magaalada Hsinchu ee dhanka koonfur kaga beegan caasimadda Tapei ee Taiwan.

Muuqaalkani oo si aad ah loo baahiyey ayaa lagu arkay dhowr qof oo diyaarinaya aabitey seento dheer leh ka dibna dabeysha ayaa dafeysa warqadda iyo gabadha yarta ah.

Sidoo Kale Aqri..Daawo Muuqaal “Hooyadey Ayaa Ka Weyn Jaamacadaha Oo Dhan”

Qeylo ayaa laga maqlayaa muuqaalka xilli cunugta yar ay hawada ku jirtay muddo 30 ilibiriqsi ah, ka hor inta ayasan u soo dhawaan dhulka markaasi oo dadka ay u suurtagashay in ay si badqaba gabarta u badbaadiyaan.

Gabadha isbitaal ayaa loola cararay laakiin ma jirin wax weyn oo soo gaaray marka laga reebo dhaawacyo yar oo wajiga iyo qoorta ah.

Qoraal u soo dhigay Facebook-ga duqa magaalada Hsinchu ninka lagu magacaabo Lin Chih-chien ayaa dadweynaha ka raali geliyey qaabka ay wax u dhaceen.

“Waxa aan ka hortgeynaa xaalad noocan ah in ay mardambe dhicin isla xisaabtan ayaana jiri doono ” ayuu yiri.

Ninka gabadha badbaadiyey oo sheegay in ay qaraabo yihiin ayaa yiri “markii hore waxaan u maleeyey in aan hortaanahay bandhig Akrobaatik ah (acrobatic show ) hase ahaatee gadaal waxaan ka xaqiiqday in anaan ogaalinin in cunugta dhulka ku soo dhacdo,”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...