Warbaahinta Isbeyn ayaa qoray wararka ku saabsan mid ka mid ah hoteelada ku yaalla Barshiloona oo dadkii daganaa ay waayeen fursad ay kaga baxsadaan dab halkaasi ka kacay, waxa ayna bilaabeen in ay daaqadaha iska soo tuuraan.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Wargeyska el periodico waxa uu qorayaa in dabka uu ka kacay dabaqa seddexaad ee hoteelka Coronado Hotel oo dhaca faras magaalada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qof uu dhintay ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray dabka, waxaana dhaawcmay afar qof oo kale.
Sida ay sheegeen kooxda dab damiska labo qof ayaa ka soo booday dabaq seddexaad, iyadoo dadweynaha banaanka joogayna ay wadada u dhigeen joodariyaal si jug aysan uga soo gaarin isa soo tuurista.