Shirkadda “SpaceX “ayaa si guul ah cirka ugu dirtay saaruukh lagu magacaabo Falcon Hevy , waana saaruukhii adduunka ugu weynaa, waana tijaabadii ugu horreeyay ee bilawga ah, kaas oo shirkadda gaarka loo leeyahay ee Mr.Elon Mask ku leh miisaan cusub.
Saaruukhani, oo gudaha u galay cirka buluuga ah Talaadadii, ayaa laga diray gudaha Maraykanka ee gobolka Florida, oo ah goobtii ugu horeysay ee safarada dayaxa laga bilaabay.
Dhismaha saaruukhan oo u dhigma dhismo 23 dabaq ah, ayaa loo yaqaan ‘Tesla Rodstar’ oo casri ah.
Tesla Rodstar’ waa baabuurka saaran saaruukha, waxaa uuna sidaa baabuurkan Sahay gaareysa ilaa 70 tan.
Falcon Hefei ayaa lagu soo warramey intii uu ka sii baxaayey goobta laga gamay,wuxuu ku sii deynayey hawada qiiq, saacadda 3:45 galabnimo waqtiga maxaliga ah (20:45 GMT) xarunta “Kennedy Space Center” ee deegaanka Cape Canaveral.
SpaceX ayaa ku dhawaaqday inay qorsheynayso inay isticmaasho saaruukha Falcon Hevy,si ay cirka ugu dirto, laba dalxiis oo dalxiis ku bixiya dayaxa, lana soo celiyo. Laakiin dib ayaa loo dhigay ilaa laga helaayo nidaam adag oo safar ah.