Daawo: Ilbiriqsiyadii La Qabanaayey Haweeneyda Jisha Filimada Jinsiga, Jaceylkii Trump

La Wadaag Asxaabtaada

Booliska magaalada Columbus ayaa soo galiyay xisaabtooda rasmiga ah ee YouTube, video  muujinaya xiritaanka haweeneyda jisha  filimada Galmada ah,Sturmie Daniels,ahna  jaceylkii madaxweyne Donald Trump.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda.

Xiritaanki toddobaadkii hore ayaa ka dhacay meel fagaare ah oo ay dowladdu maamusho ka dib markii ay booliisku ku eedeeyeen inay u oggolaatay rakaabkeeda inay taabtaan iyada si ka baxsan sharciga.

Michael Avinati, oo ah qareenka u doodaya ,ayaa  ku dhawaaqay in macmiilkiisa la xiray markii ay soo bandhigtay bandhig baryahan dambe oo dhan ay ka waday guud ahaan  dalka oo dhan, waxaa kale uu sheegay in xiritaanka haweeneydani jisha filimada uu yahay mid siyaasadeed.

Stormy Daniels,oo ah haweeneydan jisha  filimyada gaarka u ah dadka waaweyn  ayaa magaceeda waxa uu ku faafay warbaahinta kadib markii la sheegay inay xiriir la leedahay “Trump” 2006-2007-dii.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegey in mid ka mid ah qareenada Donald Trump ay bixiyeen $ 130,000 si ay ugu qasbaan haweeneyda filimada galmada jisha in ay ka aamusto xiriir galmo oo dhaxmaray iyada iyo Donald Trump sanadkii 2006-dii.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada