Daawo Ilbiriqsiyadii Ugu Damebeeyey Markii Uu Dhiminaayey wariye……Ka hor Inta….

La Wadaag Asxaabtaada

Wariyihii labaad oo Falastiini ah ayaa ku dhintay Sabtidii  Rasaas, ka dib markii la toogtay intii uu ku guda jiray shaqadiisa oo aheyd in uu sawiro dibadbaxyada cabashada ah, meel uu qiiq cirka is qabsaday ka dib markii falastiiniyiinta ay dab ku qabteen taayarada baabuurta.

Shirkad warbaahinta maxaliga ahi ka tirsan ayaa waxay filimaysay 30-jir saxafi  ah oo lagu magacaabo Yaser Murtaja, isla markiiba uu dhaawacmay.

Yasser waxa uu ka soo muuqday filimka isaga oo madaxa marba dhhinac u  dhaqaajinaayawo iyadoo kooxaha gurmadkana ay la tacaalayaan caafimaadkiisa, hor inta aan lagu qaadin ambalaaska.

Ciidamada Milatariga ee Israel ayaa sheegay in ay dileen oo kaliya “abaabulayaasha” ku lug leh weerarrada ka dhanka ah askarta, iyaga oo tilmaamaya in ay baarayaan xaaladaha dhimashada Murtaji.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada