Daawo Ilbiriqsiyadii ugu danbeeyey ee duuliyihii Ruushka “arintan Saaxibadey ayan U sameyey !”

La Wadaag Asxaabtaada

Ilo wareedyo u gaar ah shabakadda   “Kommersant’ ayaa sheegaya arin ay dad badan la fajaceen, oo ku saabsan qaabkii loo dilay duuliyhii Ruushka ee dhawaantan xogaga mucaraadka ay ku dileen Siiriya.

Ilo wareedyada ayaa waxa ay leeyihiin “Roman Filippov” oo ah duuliyaha, waxa uu watay Bastoolad nooceedu yahay   APS {automatic  Pistol Stichkin} iyo dhowr keyd oo rasaasteeda ah iyo sidoo kale Bambo gacmeed.

Wararku ayaa intaasi ku daraya in duuliyaha uu iska caabiyey Dagaalyahanada mucaaradka, waxaa uuna ugu danbeyntii isku qarxiyey bambo gacmeed uu sitay.

intaasi ka hor ayaa waxa ay la yaabeen Weerarayaasha, hadal ka soo yeeray Duuliyaha oo ah  “qaata ! waxaan oo dhan waxaan u sameeyey saaxibadeyda dartood.”

Hadalkan ayaa waxaa la maqli karaa  ilbiriqsiga labaad ee muuqaalka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada