Daawo: Indhaha Xir Oo Dhageyso Codka Qoraxda Markii Ugu Horeysay

La Wadaag Asxaabtaada

Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan Xiddigiska NASA ayaa dhowr jeer baahisay codad cajiib ah oo laga soo duubay dhawaaqa giriirka ee qoraxda ay sameyso.

Xaqiiqonews-Xiddigiska

“Codkani waa dhawaaqa dabiiciga ah ee qoraxda, waxaana soo tarjumay saynisyahanada” ayuu yiri Alex Young oo ah agaasime ka tirsan NASA.

” Ma dhici karto in aan si toos ah u eegno qoraxda,ma heysano qalab noo suurtagilinaya in aan aragno gudaha qoraxda, sidaa darteed gariirkani(Vibrations) wuxuu noo sahli doonaa in wax ka ogaano waxa ka dhacaya gudaha qoraxda” ayuu yiri Young.

Codkani la maqli karo ee ay baahisay NASA ayaa ah codad gariir ah oo ay sameyso qoraxda kuwaasi oo ku socda hir dhan 0.003 Herts, madaama dhagta bani’aadamka aysan maqli karin wax ka yar 20 Herts, dhagaha caadiga kuma maqli karno gariirka qoraxda.

Haddaba Culimada sayniska ayaa gaashanaya qalab si hirarkani loogu badalo cod uu maqli karo qof walbo.

halkani hoose riix si aad u dhageysato codka

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada