Xil. Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay arinka baxsashada janan ayaa keenay fikrad meel mar noqon karta hadii Janan uu dib u fikiro, waxa uuna Jeesow Dalbaday in Janan uu iskiis cadaaladda isku hor keena.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Jeesow ayaa tilmaamay in geesinimadu ay ka mid tahay qofka oo si iskiis ah cadaaladda u wajaho, waxa uuna tusaale u soo qaatay madaxweynihii hore ee Serbia Slobodan Milošević, kaasi oo dambiya badan ka dib cadaaladda is hor geeyey.
Jeesow ayaa sheegay in isaga shakhsi ahaan uusan aqoonin C/rashiid janan isaga oo yiri “aniga ma aqaani cabdirashiid, marqaatina kama ahi dambiga loo heysto”
Jeesow Ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in C/rashiid janan uu qaadan karo go’aan ka badallan midka dhuumaaleysiga, waxa uuna ka dalbaday in uu qaato go’aanka “is dhiibista”.