Xildhibaan Daahir Amin Jeesow Oo Ka hadlaayey shir lagu taageeraayey muddo kordhintii baarlamaanka ayaa sheegay in baarlamaanka uu xilka ka qaadi doono Farmaajo hadii Farmaajo uu gorgortan ka galo muddo kordhintii sharciga aheyd-sida uu hadalka u dhigay.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Jeesow ayaa ku dooday in baarlamaanka Soomaaliya uu leeyahay go’aanada dalkiisa sida baarlamaanada caalamka isaga oo tusaale u soo qaatay sida Koongareeska Mareykanka ay xor ugu yihiin go’aanadooda.
“Go’aanka baarlamaanka waxaa lagu joojin karaa, isla go’aan kale oo baarlamaanka ka soo baxa islamarkaana cuskan qodobo dastuuri ah” ayuu yiri Jeesow
Sidoo kale Aqri: Waa Kee Musharraxa Uu Tilmaamay Jeesow Ee Aan Madaxweyne Noqon Karin
Jeesow oo sida muuqata ka cabsi qaba in Farmaajo ay saameeyaan go’aanada Midowga Afrika iyo beesha caalamka ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay xilka ka qaadi doonaan madaxweynaha (Waa farmaajee) hadii uu khilaafo go’aanka baarlamaanka.
Hadalka Jeesow ayaa imaanaya xilli qoraalo ka soo baxay midowga Afrika iyo beesha caalamka lagu diiday muddo kordhintii baarlamaanka.
Xildhibaan Jeesow “Madaxweyne Farmaajo xilkaan ka qaadeynaa hadii uu ka gorgortamo Mudo kordhinta”Xildhibaan Jeesow “Madaxweyne Farmaajo xilka ayaan ka qaadeynaa hadii uu ka gorgortamo Mudo kordhintii la sameeyey”
Posted by Official Somali Cable on Friday, 23 April 2021