Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda 4- Luulyo, ka dib markii toogasho rasaas ay ka bilaabatay goobta.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah, toogashada ayaa bilaabatay ka dib 10 daqiiqo markii uu bilowday dabaaldaga xoriyadda oo ka dhacaayey hareeraha Jigaago.
Booliska ayaa dadka ku amray in ay kala tagaan waxaana la arkaayey iyaga oo la wareegaya qoryaha islamarkaana raadinaya halka ay xabadaha ka soo dhaceen.
Waxaa la soo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac jiro, hase ahaatee mas’uuliyiinta ilaa hadda waxa faafaahin ah kama bixinin khasaaraha dhacay.