Diyaaradani yar oo ah nooca drone-ka loo yaqaan quadcopter, ayaa ah Waxqabadka injineer soomaali ah kaasi oo ugu danbeyn si fudud ugu guuleystay in uu kiciyo aaladani yar, taasi oo ka sameysan qalabka caruurta ku ciyaaraan iyo waliba waxyaabo si fudud guriga looga heli karo.
XAQIIQO NEWS- FARSAMADA
Qalabkani oo ka sameysan agab guryaha si fudud looga heli karo ayaa kor u kaceysa qiyaas 300 feet.
Injineer C/ Raxmaan oo oo agabkani isagu isku xiray ayaa yiri “Hobikeyga ayaa ahaa qalabkan, tan iyo caruurnimadeyda waxa aan isku howli jiray qalabyada sida raadiyaasha iyo sameynta boombalayaasha caruurta ku ciyaaraan”
Cabdiraxan oo hadalka sii wata ayaa yiri “waxaa ii soo cadaaday wax walbo, baaritaan dheer ka dib, waxaana markii ugu horeeysay aan kiciyey diyaaradani hadda hortiina ka muuqata, waa bilowga mashruuceyga qorshaha dhawna waxaan soo wadaa waxyaabo kale oo aan jeclahay in aan ka hordicin si markale aan kadis idinkaga dhigo”
“Ma ahan arin culeys ah laakiin waa arin cusub oo waddankeena looga baahanyahay” ayuu sii daba dhigay
Injineer cabdiraxmaan waxaa uu markii ugu horreysay noo ogaaladay in aan baahino muuqaal hor u dhac oo ka tirsan muuqaladii uu duubay xiligii uu howsha gacanta kula jiray, waxaana muuqaalka soo socoto aad ku daawan doontaa muuqaalo goos goos ah oo ku saabsan qaabkii sameyenta diyaaradda iyo waliba tijaabada duulimyadii kowaad,labaad iyo seddexaad.
.