Daawo Muuqaal: sheikh xassaan”ha lala jihaado dadka wax heysta een u gurmaneyn dadka abaarta heyso”

La Wadaag Asxaabtaada

Wadaadka mayalka adag ee fadhigiisu yahay Nairobi shekih xassaan xuseen aadam abuu salmaan ayaa ka hadlay abaaraha ka taagan dhulka geeska africa waxaa uuna sheegay in xiligani wax bixinta aysan aheyn sadaqa qofkii doonaaya uu kaliya bixinaayo balse ay tahay waajib qofkii diida xitaa xoog looga qaadaayo oo ay in lala jihaadaa waajib tahay qofka wax heysta ee aan dooneyn in uu wax bixiyo.
dhanka kale wadaadkan xagjirka ah abuu salmaan ayaa sheegay in la aamini karin waxa uu ku tilmaamay hay,daha shihseeyaha isgoo yiri “Waxaase aad iyo aad in laysaga ilaaliyo u haboon lagana digtoonaado waxaa laga yaabaa in wadaado masaajiddo ka istaagaan hanti badana muslimiin laga uruuriyo kadibna waaga dambe gacanta loo geliyo hantidaa iyada ah hay’ado aan islaam aheyn, hadda ka horna way dhacday haddana in ay dhacdaa dhici karta, waxaa dhici karta hanti muslimiin intii la aruuriyo oo layiraahdo muslimiinbaa lagu badbaadin in murtadiin iyo dad aan islaam aheyn gacanta loo geliyo kadibna aan laga warqabin meel ay ku dambeysay”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada