Daawo Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda Oo Ku Niikinaya Heesta Raabka ah Ee…

Wasiirka Maaliyadda Israel ahna madaxa xisbiga bidix ee  Kolano ninka lagu magacaabo Moshe Kahlon, ayaa ku boggiisa “Instrgramka” ku daabacay  fiidiyoow  soo bandhigaya isaga oo ku ciyaaraya heesta  “Kiki”, muqaalkaasi oo si ballaaran u faafay waqtiyadii ugu dambeeyay.

Xaqiiqonews.com-Muuqaalka

Muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqanaya, wasiir Kahlon oo si tartib ah u jaakeynaya baabuurkiisa dhinaciisa, iyadoo ay shidan tahay heesta “Kiki”, si kadis ah ayaa ku galayaa baabuurka isaga oo leh “Noo dhaafa maalaayacnikeena, wax badan o sidan oo kale ayaan sameyn karnaa“.

Sida uu qoray Website-ka ku hadla afka Cibraaniga ee “Yediot Ahronot”, Madaxda amaanka ee Israel ayaa waxa ay ka codsadeen wasiirka in uu si deg deg ah muuqaalka uga saaro meesha.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA