DAAWO MUUQAAL:Wiil Soomaali Mareekan ah Oo gacanta Ku Wata Toorey oo u hanjabay Donald Trump

La Wadaag Asxaabtaada

Wiil soomaali mareekan oo magaciisa lagu soo gaabiyey abu-isxaq ayaa dhawaan ka soo muuqday filim xoogagga dowlada islaamiga ah “Daacish” soo saareen.

Filimka oo kooxda ay ka soo saareen dagaalada ka soconaya magaalada Raqah ayaa waxaa ku jiran fariimo hanjbaad ah
mid ka mid ah fariimahaas ayaa waxaa diriya Abu-isxaq oo gacanta ku sita Tooreey Dheer isagoo hareertana uu ka yaalo Qori PKM ah waxaana uu ku hanjabayaa in uu qali doono Donald trump.

Hanjabaadani ayaa ku soo aadeysa xilli soomaalida mareekanka ay la kulmayaan faquuq badan waxa kale oo fariintani ay ku soo beegmeysaa maalmo yar ka dib markii warbaahinta mareekanka ay buunbuuniyeen dil wiil soomaali ah uu u geystay gabar cadaan ah.

Si kastaba ha ahaate fariintani ayaa suuragal ah in dhib badan ay u geysato somaalida mareekanka oo donald trump uu horay uguu hanjabay in uu ka sifeeyn doono dalkiisa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada