DAAWO: Nin Turki Ah Oo Cirka Biibaya Iyo Muuqaalka Oo Turkiga Ku Baahay

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa Baraha Bulshada lagu baahiyey muuqaal  gooban oo ku saabsan nin Turki ah oo dabeylaha qaadeen isaga iyo dalladiisa,arintani ayaa dhacday xilli koonfurta Turkiga ay ka socdaan dabeylo xoog leh.

Xaqiiqonews-Muuqaal

Sida muuqaalka laga daawab karo, ninka ayaa isku dayey in dhulka ku celiyo dalladiisa(hoosiyihiis)  oo ay dhaqaajiyeen dabyelaha.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Turkiga Saadaq Kowkaad ayaa laga duubay muuqaalka xilli uu isku dayeey in dallada uu dhulka ku haayo, balse badalkeeda dabyelaha ayaa ka xoog badiyey taasi oo keentay in uu iska soo tuuro dalladda.

Wargeyska Turki ayaa ka soo wariyey Saadaq Kowkaad in uu yiri “waan fiicanahay, ka dib markii aan ogaaday in dalladda kor ii sii wato, waan ka soo booday waxaana dhulka aan kor uga kacay 3 ilaa 4 mitir.

 

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada