Daawo.. Ninkii Wajiga Iyo Gacmaha Loo Beeray Oo Ka Hadlay Xaalkiisa

La Wadaag Asxaabtaada

Ninkani oo ku nool New Jersey Mareykanka, ayaa ah ninkii ugu horeeeyey dunida oo si guul ah loogu beero labada gacmood iyo wajiga.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Waxa ay aheyd 2018, markii Joe Dimeo uu galay shil badalay noolashiisa markii baabuurkiisa isaga oo kaxeynaya ay qabatay gamaanyo, taasi oo keentay shil iyo dab kacay oo is xigay.

Waxaa gubtay 80% jirkiisa, inkastoo uu badbaaday haddana waxa uu waayey, suniyihiisii, farahiisii iyo dhagahiisii, dhaawacyo aad u culus ayaana ka soo gaaray wajiga, qoorta, arintaasi oo ku sababtay in uu socodka ku adkaado.

Sidoo kale Aqri: Tv-ga Kuuriyada Koonfureed Oo Dib U Kulansiiyey Hooyo iyo Gabar Dhimatay!

Si kastaba ha ahaate, arbacadii ayey dhaqaatiirta isbitaalka  “NYU Langone Medical Center”  sheegeen ka dib qaliin qaatay muddo 23 saacadood ah in dib u soo laabatay farxadii 22-jirkii Dimeo  kaasi oo noqday qofkii ugu horeeyey ee dunida oo dhan si guul loogu sameeyo beeris gacmo iyo waji.

Dimeo, waxa uu hadda baranayaa dhool caddeynta, il-jibinta isaga oo sheegay in ay joogaan dareemayaasha gacmihiisa.

Waxa uu yiri Joe Dimeo “arinta in aan sameeyo aan doonaayo waa darawalnimada, waxaan rabaa mar kale in aan baabuur wado”.

Hase ahaatee dhaqaatiirta ayaa u sheegay in uusan ku fadhiisan karin kursiga darawalka ilaa laga gaaro muddo sanad ah.

“Had iyo jeer Iftiin ayaa ka dambeeya godka mugdiga ah” ayuu yiri Dimeo oo intaas ku daray “Waligaa ha is dhiibin”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada