Daawo..Putin Oo Qalqal geliyey Madaxa Sirdoonka Ruushka‒Labo Mid Dooro Haa Ama Maya

-

Cid walbo waxa ay ka cabsaneysaa Putin xitaa madaxa sirdoonka, ayey ku kaftameen dad faallo ka dhiibtay muuqaal baraha bulshada la soo dhigay oo lagu arki karo Putin oo xaalad adag oo qalqalin ah geliyey madaxa sirdoonka Ruushka ninka lagu magacaabo Sergey.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBBADDA

Muuqaalka ayaa laga soo qaaday kulan xagga amaanka looga hadlaayey oo madaxda Ruushka ay ka yeesheen arinta Yukrayn.

Sergey Naryshkin oo madaxa sirdoonka Ruushka ayaa u soo jeediyey Madaxweyne Putin in fursad waqti gaaban ah la siiyo saaxibada rer galbeedka bal hadii ay Yukrayn ku qasbi karaan in ay heshiis qaadato oo ay aqbasho heshiiska Minsk.

Putin ayaa yiri “Ma waxa aad soo jeedineysaa in aan heshiis bilowno”

Sergey oo cabsi ka muuqata ayaa ku jawaabay “Maya”

Putin “Mise waxaa soo jeedineysaa in aan aqoonsano gobolada?

Sergey “Taasaan dhihi lahaa”

Putin ayaa ku celiyey “si cad u hadal “

Sergey ayaa yiri “Waxaan taageeri lahaa soo jeedinta ah in aan aqoonsano”

Putin “Laakiin waan taageeri lahaa mise waan taageerayaa, si cad u hadal Sergey”

Sergey “Waan taageerayaa soo jeedinta”

Putin “Laakiin Haa ama maya mid dheh”

Sergey “Waxaan taageerayaa soo jeedinta ah in gobolada Donetsk and Luhansk ay uga mid noqonayaan Midowga federaalka Ruushka”

Putin “Hadda taas kama hadleyno, arintaasina kama doodeyno waxa aan ka hadleynaa aqoonsiga madax banaanidooda marka Haa ama Maya mid dheh”

Sergey “Haa waxaan taageerayaa soo jeedinta ah in la aqoonsado madax banaanidooda”

Putin “Mahadsanid waad fadhiisan kartaa kursigaada”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...