Daawo sawir: qarax ka dhacay muqdisho #aqriso faafaahin yaa lala beegsaday qaraxa

La Wadaag Asxaabtaada

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegaday gaari oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.
Wararka horudhaca ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxan uu ka dhacay Albaabka hore ee Hotelka Wehliye, kaas oo saaran wadada Makka Al-mukarrama kuna dhow isgoyska dabka ee Muqdisho.
Inta la hubo Labo ruux ayaa halkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawac badanna uu jiro, waxaana wararku sheegayaan sidoo kale in gaadiid ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan DFS ay halkaasi marayeen, lamana oga khasaaraha iyo mansabka mas’uuliyiintaasi.
Waxaa halka qaraxa ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah, waxayna wadaan daabulista dadkii ku dhaawacmay qaraxan oo loo maleynayo in gaariga uu saarnaa qof is qarxiye ah.
Dhanka kale waxaa xalay qarax lala beegsday guri uu dafganaa mas,uul ka tirsan dowladda oo lagy magacaabo axmed shirre oo ah agaasimaha wasaaradda maaliyadda .
wararka ayaa intaasi ku daraya in qarax uu ka badbaaday mas,uulka blase ilaalidiisa ay ku dhinteen

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada