Daawo Sawiro:Wariyihii Dagaalka ee kooxda Xisbulaah oon Dhintay(Aqriso Faafaahin)

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa la dilay Wariyaha dagaalada u duubi jiray kooxda shiicada ah ee xibulaah ka dib dagaal ka dhacay magaalada buukamaal ee dhacda koonfurta deyru zoor.

Wargaahinta dhinaca dagaalada u qaabilsan Xisbulaah ayaa baahisay maalintii sabtida aheyd ee 18-ka bishan aynu ku jirno in uu dhintay wariye janblaaz oo ku magac dheeraa “mu,min”

Wariyahan Janbalaaz ayaa ka soo jeeda deegaanka Nabel ee baadiyaha xalabta waqooyi ee dalka siiriya waxaa uuna qeyb ka ahaa dagaalada ka dhanka ah kooxda dowladda islaamiga waxaana ugu danbeyey dagaaladii deyru zoor oo uu wariyana qeyb weyn ka qaatay.

Siiriya waxaa ka socdo dagaalo aad u qaraar oo u dhexeeya nadaamka bashaar al-asad iyo kooxda dowladda islaamiga waxaana bishaar ku garab siinaya dagaalada dowladda ruushka iyo sidoo kale maleeshiyaadka shiicada ee kala ah
“Xarakatu al-najbaa, faadimyuun oo iyagu taabacsan xarakada kacaanka ee iiraan iyo sidoo kale maleeshiyaadka shiicada ee xisbulaah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada