Mu’asasada Al-Kataa’ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay sawirada weerarkii lagu xasuuqay ciidanka maamulka ‘Puntland’ ee horaantii bishan ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Af-Urur oo qiyaas ahaantii ku dhawaad 100 KM koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.
Weerarkan oo dhacay 13-kii bishan Ramadan, 1438 taariikhda Hijriga, kuna beegneyd June 8, 2017 ayaa ahaa midkii ugu xumaa ee abid ay la kulmaan Ciidanka ‘Puntland’ ee maamula qeybo ka mid ah gobolada waqooyi-bari Soomaaliya.
Ugu yaraan 61 askari ayaa lagu dilay weerarka, tiro kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii Alshabaab ay cagta mariyeen saldhigga, halkaasna ku xasuuqeen Ciidankii xerada ku sugnaa.
Maamulka ‘Puntland’ oo ka hadlay weerarkan ayaa beeniyey askarta looga dilay weerarkii Af-Urur, waxayna sheegeen in Xarakada Al Shabaab ay laayeen dumar iyo caruur oo kaliya, lagana hortagay weerarkooda.
Hadaba Alshabaab ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya qaabkii uu u dhacay weerarkii Af-Urur ee lagu xasuuqay ‘Puntland’ iyo meydadka ciidanka Maamulka Cabdi Wali Gaas oo daadsan xeradii lagu dagaalamay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Alshabaab Soo Bandhigeen