Daawo sawirro: Alshabaab oo soo bandhigay Qalab Ciidanka Mareekanka Ka carareen Iyo Qeybo ka mid ah jirka Askarigii…….

-

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal habeenkii Jimcaha 5-ta May.2017-ka ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Hoose.
Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si adag ula Tacaalay duullaan ay ciidamada gaarka Mareykan ah ay ku qaadeen deegaanka waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka Mareykanka kasoo gaaray goobta dagaalka.
Sawirro lagasoo qaaday goobtii lagu hardamay ayaa muujinayay saameynta dagaalka iyo raadad banaanka soo dhigaya khasaaraha soo kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay.
Qeyb kamid ah Jirka askar American ah ayaa lagu arkay barxadda weyn ee deegaanka Daarusalaam oo uu ka dhacay mid kamida dagaalladii ugu cuslaa ee ciidanka Mareykanka ay ka galaan dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay sagaashameeyadii xilligaasi oo 18 askari looga dilay magaalada Muqdisho.
Ciidamada Mareykanka ayaa deegaanka Daarusalaam uga cararay qalab melleteri iyo agabyo kale oo dhammaantood ugacan galada ciidamado al-Shabaab.
Aaladda GBS-ka loo yaqaan,qalab caafimaad iyo darees melleteri ayay ciidanka Mareykanka uga tageen goobta.
Alshabaab ayaa ku tilmaamay been aan sal iyo raad laheyn ah warar shalay ay baahiyeen warbaahinta oo sheegayay in weerarka lagu qaaday xarun ay idaacadda Andalus ay ku leedahay deegaanka Daarusalaam.
website-ka SomaliMeMo ayaa been ku tilmaamay in ciidanka Mareykanka ay beegsadeen xarunta Idaacadda islamarkaana Andalus ay bad qabto oo ay si caadi ah ay u shaqeynayso mana jirin wax dhibtaa ah oo gaaray wariyaasha idaacadda, bartilmaameedkuna ma aheyn idaacadda oo ka fog goobta lagu dagaallamay ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay websiteka SOMALIMEMO.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM ayaa qiray in 1 askari looga dilay dagaalkii Daarusalaam islamarkaana 3 kale looga dhaawacay balse Xarakada waxay sheegaysaa in khasaaraha Mareykanka gaaray uu intaas ka badanyahay.





Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday in indhahu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...